Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamad Laftagareen ayaa sheegay in laamaha amniga Mamulkaasi ay gacanta ku dhigeen qof ka mid ah dadkii gaystay qaraxii dhawaan lagu dilay wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda ee Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha oo la hadlay Idaacadda laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in dhawaan ay rajeeynayaan in dadkii soo abaabulay qaraxaas ee ka tirsan Ururka Al-Shabaab dhammaantood ay gacanta kusoo dhigaan, si sharciga loo marsiiyo.
Sidoo kale madaxweyne Lafta Gareen, ayaa walaac xooggan ka muujiyay qaraxyada ku soo badanaya deegaannada maamulkaasi, Isagoo sheegay in aanay horea u dhici jirin.
“Qaraxyada ka dhacaya Koonfur galbeed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka Soomaalida” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo qarayxada, Islamarkaana ay soo saari doonaan go’aano looga hor taggayo, wuxuuna faray laamaha Amniga Koonfur Galbeed inay si wayn u dardar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga.
Qaraxyo kala duwanaa oo dhawaan ka kala dhacay Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmad Waafoow iyo Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim (Lugbuur).