Taageerayaasha mid ka mid ah hoggaamiyaasha dalka Ciraaq Muqtada al-Sadr oo dibadbaxyo dhigaya ayaa sheegay inaysan dejin qorsho ay uga tagayaan xarunta baarlamaanka ee ay qabsadeen.
Tani ayaa sii adkeynaysa ismari-waaga siyaasadeed ee bilooyin jiray.
Shalay ayay ahayd markii taageerayaasha mas’uulkan , maalmo gudahooda markii labaad ay si awood ah gudaha uga galeen xarunta baarlamaanka Ciraaq ka dib markii doorashadii dhacday bishii Tobnaad ee sanadkii hore aynan horseedin in la soo dhiso dowlad cusub.
Dhaqdhaqaaqa Muqtada al-Sadr ayaa bayaan ku sheegay in dibadbaxayaasha ay halkaasi fadhinayaan ilaa amar dambe sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi ayaa laga soo xigtay in 125 qof ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyada shalay.
Dadkan ayaa isugu jiro 100 dibadbaxayaal iyo 25 ka mid ah saraakiisha ammaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Ciraaq Maxamad Halbousi ayaa ilaa amar dambe hakiyay kal-fadhiyada golaha.