Codbixiyeyaasha dalka Senegal ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho lagu soo xulanaya xubnaha baarlamaanka .
Goobaha codbixinta oo la furay 8-dii subaxnimo ee maanta ayaa la soo xiraya 6-da maqribnimo.
Codbixiyeyaal ay tiradoodu gaaraysa 7 milyan ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada codeynta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo jawi siyaasadeed oo kacsan uu ka jiro waddankaasi dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Garabyada mucaaradka ee Senegal ayaa doonaya inay xannibaan hammiga madaxweynaha wadankaasi Macky Sall ee uu ku doonayo muddo xileed saddexaad sanadka 2024-ka.