DHAGEYSO:Booliska Somaliland oo digniin u diray madaxda mucaaradka oo abaabul wada

0
464

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Madaxda xisbiyada mucaaradka uga digay inay bannaanbaxyo sharci darro ah oo looga soo horjeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka dhigaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda jamhuuriyaddaasi.
Saraakiisha Booliska Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay ka warhayaan abaabulka bannaanbaxyada ay wadaan Madaxda xisbiyada Mucaaradka, islamarkaana xusay in Booliska ay u diyaarsan yihiin inay ka hor taggan.
Booliska ayaa mucaaradka Somaliland uga digay inay si sharci darro ah isugu soo bixiyaan dhallinyarada, waxaana ay tilmaameen in aan la qaban karin bannaanbaxyo aan fasax looga haysan Booliska.
Waxaa ay intaasi ku dareen in madaxda mucaaradka ay mas’uuliyada qaadi doonaan wixii ka dhasha ka hor tagga dadka dhigaya banaanbaxyada.

Dhanka kale Saraakiisha Booliska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadan nabadgalyada, islamarkaana ay wadashaqeyn la yeeshaan Booliska.

Si kastaba, wadahadalladii lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada Somaliland ee u dhexeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka Somaliland ayaa fashil kusoo dhammaaday, iyadoona Mucaaradka ku baaqeen bannaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen in aysan diyaar u ahayn qabashada doorasho.