Baadariyaasha dalka oo baaq u diray IEBC

0
314

Baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ee dalka ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) u soo jeediyay inuu dadweynaha ku abuuro kalsooni ah in doorashada guud uu u maareyn doono sida habboon.
Anthony Muheria oo ka mid ah hoggaamiyaasha diimeed ee ismaamulka Nyeri ayaa dhanka kale siyaasiyiinta ka codsaday inay joojiyaan hadallada xanafta leh ee ay iskudhaafsanayaan meelaha fagaaraha.
Waxaa uu musharraxiinta kula taliyay inay ololahooda u sameystaan si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay.
Baadariga ayaa xusay inay muhiim tahay in IEBC ay kenyaanka faahfaahin ka siiso tallaabooyinka ay qaadayso si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah oo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoon yahay.