Kalonzo oo ku gacan seyray ku biiridda Kenya Kwanza

0
519

Madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa gaashaanka u daruuray baaq uga yimid madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto oo ahaa inuu ku biiro garabka siyaasadeed ee Kenya Kwanza.
Ruto ayaa sheegay in haddii hoggaanka wadanka uu qabto uu Kalonzo fursad shaqo ka siin doono maamulkiisa.
Hasa ahaate xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok, ayuu madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka William Ruto u sheegay inuu siyaasadiisa faraha kala baxo oo uu diiradda saaro kasbashada codbixiyeyaasha.