Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in saddex qof oo u dhashay dalka Venezuela oo maalmo ka hor lagu xiray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ay sideen agab doorasho oo ay leedahay IEBC ama inay ka tirsan yihiin shirkadda Smartmatic sida uu sheegay guddiga doorashooyinka.
Magacyada saddexda qof ayaa lagu kala sheegay Joel Gustavo Rodríguez García, Camargo Castellanos Jose Gregorio iyo Salvador Javier Suarez.
21-kii bishan ayay ahayd markii la qabtay shakhsiyaadkan iyadoo waaxda qaran ee adeegga booliska ay xilligaasi sheegtay in aan lagu wargelin inay sideen agab ay IEBC u dirsatay.
In kastoo guddiga doorashooyinka uu sheegay in shakhsiyaadkan ay qayb ka yihiin fulinta qandaraas shirkadda tiknolojiyadda ee Smartmatic la siiyay haddana DCI ayaa shaacisay inaysan haysan warqad ama dokumeenti muujinaya inay casuumaad ka heleen guddiga.
Agaasimaha DCI-da,George Kinoti waxaa uu xusay in saddexda qof uu casuumay shakhsi lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi Maxamad.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Kericho ayaa agaasimaha dambi baarista dalka ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha guddiga doorashooyinka.
MEDIA RELEASE ON QUESTIONED ELECTIONS MATERIALS pic.twitter.com/ZUjU1i68aD
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 24, 2022