Qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uunan ka qayb geli doonin dood la qorsheeyay in 26-ka bishan oo berri ku beegan loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad, wasiirka beeraha Peter Munya iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Francis Ole Kaparo ayaa arrintan ka hadlay.
Tani ayaa imaanaysa saacado un ka dib markii qoraal ka soo baxay afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga, Prof. Makau Mutua lagu sheegay in Raila uunan dood kala qayb galayn dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto.