Qaramada midoobay oo baaraysa dilal carruur loogu gaystay Ukraine, Itoobiya iyo Mozambique

0
590

Saraakiil ka tirsan qaramada midoobay ayaa baaritaano ku sameyn doono dilal iyo dhaawac gudaha wadamada Ukraine , Itoobiya iyo Mozambique carruur loogu gaystay.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres ayaa warbixin cusub ku sheegay in 2,515 carruur ah la dilay sanadkii 2021-kii halka dagaallada dunida lagu dhaawacay 5,555 oo dhallaan ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in sanadkii tagay caalamka lagu shaqaaleysiiyay 6,310 oo carruur ah.
Xadgudubyada kale ee warbixinta ku xusan waxaa ka mid ah afduub, tacaddi galmo , weerarro lagu qaaday dugsiyo iyo isbitaallo iyo is hor taagga bixinta gargaarka.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sanadkii hore , xadgudubyada ugu badan ee ka dhanka ah carruurta caalamka laga gaystay dalalka Yemen, Syria, Afghanistan, the Democratic Republic of the Congo, Somalia, Israel iyo Falastiin.