Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiya Samatar ayaa xalay kulan gaar ahaa waxaa ay ka yeesheen dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Guddoomiye Sacdiyo ay dooneysay in fiidnimadii xalay ay ka hadasho dhacdadaas, hayeeshee Madaxda Sare oo soo farageliyay ay ka joojiyeen, islamarkaana kulanka ay ugu yeereen.
Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ay khadka taleefonka kula hadleen Madaxweynaha Puntland oo dalka dibaddiisa ku maqan, iyaga oo kala hadlay dejinta xiisadda Boosaaso.
Home Wararka Soomaaliya Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii...