Musharraxiinta madaxweyne iyo hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa saxiixay xeer laga doonayo inay u hoggaansamaan inta lagu guda jiro ololaha siyaasadeed.
Nidaamkan oo lagu saxiixay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayay siyaasiyiinta ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadgalyada iyo habdhaqanka habboon.
Haweeneyda diiwaangelisa xisbiyada siyaasadeed ee dalka Ann Nderitu ayaa arrintan soo dhaweysay.
Waxay sheegtay in tani ay qayb ka tahay waajibaadka saaran xisbiyada siyaasadeed ee lagula xisaabtami karo.
Waxaa sidoo kale madashan goobjoog u ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati , mas’uuliyiin matalayay guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC), Dalladda arrimaha nabadda ee Uwiano Platform for Peace, barnaamijka wadaniyadda ee Mkenya Daima Initiative iyo gole -diimeedka iskudhafka ah ee (IRCK).
Waxaa uu qorshuhu yahay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhacdo doorasho guud.
Hoggaanka ugu sarreeya ee dalka ayaa waxaa ku tartamaya afar musharrax oo kala ah Raila Odinga, William Ruto , George Wajackoyah iyo David Mwaure .