Wasiirka maaliyadda ee dalka oo ku taliyey in la yareeyo tirada ismaamullada

0
222

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in tirada ismaamullada ee 47-da ay tahay mid aad u badan.
Waxaa uu dhaliilay nidaamka dowlad wadaajinta ee waddanka ka dhaqan galay sanadkii 2013-kii.
Mbadi ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay u baahan tahay in ay dib ugu laabato nidaamkii hore ee 8-da gobol ama ugu badnaan 14 gobol.
Wasiirka oo xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ku adag tahay maareynta ismaamullada tirada badan marka la eego qarashaadka ku baxa sida mushaaraadka.
Waxaa uu sheegay in nidaamka maamulka ee hadda jiro uu horseedo in lagu takriifalo kheyraadka.
Wasiirka ayaa xusay in ismaamullada ay howlgeliyeen shaqaale kala duwan sida agaasimeyaasha kalluumeysiga ,dhaqanka iyo kuwo kale oo leh ku xigeenno sida uu hadalka u dhigay qaata mushaaraad badan.
John Mbadi, wasiirka maaliyadda ee dalka ayaa sheegay in dowladda ay bil kasta mushaar ku bixiso 80 bilyan oo shilin tani oo sanadkiiba ah 960 bilyan.
Waxaa uu intaasi ku daray in canshuurta la uruuriyo ay tahay 2.5 Tiriliyoon halka qiyaastii 1.1 Tiriliyoon oo shilin lagu bixiyo amaahda isagoo su’aal geliyay sida loo heli karo dhaqaale horumarineed.