Dowladda Kenya iyo boqortooyada Netherlands ayaa ballan qaaday xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa ee wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada iyo u ololeynta xuquuqul aadanaha.
Arrimahan ayaa looga hadlay kal-fadhi ka qabsoomay magaalada Nairobi.
Dhawaan ayay ahayd markii ay dalka yimaadeen boqorka Netherlands Willem-Alexander iyo xaaskiisa Máxima .
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in safarka boqorka Netherlands uu yahay mid lagu sii ballaarinaya iskaashiga dhinaca isbeddelka cimillada, xuquuqul insaanka iyo horumarka waara.
Mudavadi ayaa ka dib wada tashi uu la sameeyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Netherlands Caspar Welderkamp hoosta ka xarriiqay in ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul aadanaha iyo u ololeynta in dalalka uu dhaqaalahoodu soo kobcaya ay helaan maalgelin siman oo dhinaca horumarka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay diyaar u tahay la tacaalidda isbeddelka cimillada isagoo tusaale u soo qaatay mashaariic hadda socdo oo la xiriira badbaadinta deegaanka.
Dhanka kale, waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay dhexdhexaad ka tahay colaadda u dhexeysa ciidamada militariga ee dalka Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF-ta ee waddankaasi.
Mudavadi ayaa tilmaamay in Kenya ay tahay madal lagu qabto wada xaajoodyada nabadeed tanina ay ka mid tahay dadaallada ay ku bixiso xasilinta gobolka.