Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa difaacay sababta maamulkiisa uu fursad u siiyay shirkado laga leeyahay wadanka dibadiisa si ay u hirgeliyaan mashaariic horumarineed.
Waxaa uu u jawaabayay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo siyaasiyiin kale oo ku dhaliilay inuusan mashaariicda qaar u xilsaarin shirkado maxalli ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in Kenya aynan keligeed horumar gaar karin oo ay tahay inay kaashato maalgashato ajaaniib ah.
Waxaa uu ku celceliyay in dhammaan mashaariicda uu billaabay ay yihiin kuwo Kenyaanka ay ka faa’iidayaan.
Mr. Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay ballaariyaan hab-fikirkooda oo ayna u adeegaan dadka u soo doortay xilalka ay hayaan.