Madaxweynaha Sri Lanka oo is casilaya Arbacada soo socoto

0
260

Madaxweynaha dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa oggolaaday inuu xilka ka dego.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Mahinda Yapa ayaa sheegay in madaxweynaha uu xafiiska banneyn doono 13-ka bishan Toddobaad oo Arbacada ku beegan.
Arrintan ayaa timid saacado un ka dib markii dibadbaxayaal tiro badan ay shalay gudaha u galeen hooyga rasmiga ee madaxweynaha Sri Lanka iyagoo dalbanaya inuu is casilo.