DHAGEYSO:Wajackoyah oo sheegay inuu Kinoti u magacaabi doono wasiirka arrimaha gudaha

0
501

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party ,George Wajackoyah ayaa ballanqaaday in haddii uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka uu agaasimaha waaxda dambi baarista George Kinoti u magacaabi doono xilka wasiirka arrimaha gudaha.
Xilli uu isku soo bax siyaasadeed ka sameeyay ismaamulka Meru ayuu Wajackoyah difaacay waxqabadka Kinoti.
Waxaa uu ku ammaanay inuu si wayn ula dagaallamay musuqmaasuqa iyo sifeynta lacagaha sharci darrada ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu qareenka lagu magacaabo Muthomi Thiankolu uu ka dhigi doono xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.