Senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa ku goodiyay inuu maxkamadda geyn doono dacwad cabasho oo ka dhan ah xisbiga ODM.
Waxaa uu ka cabanaya in lala xiriiriyay shirkadda daabacaysa warqadaha codbixinta ee Inform Lykos ee laga leeyahay dalka Giriigga.
Wetangula ayaa sheegay inuu ODM ka qaadi doono tallaabo sharciyeed isagoo xusay in bayaan ka soo baxay xisbiga uu ahaa mid aan laga fiirsan.
Senatarka oo sidoo kale ah madaxa xisbiga Ford-Kenya ayaa cadeeyay inuunan wax xiriir ah la lahayn IEBC iyo geeddisocodka qandaraasyada ay bixiso.
Moses Wetangula ayaa sheegay inuu garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi u xil saaray inuu guda galo dacwad ka dhan ah ODM.