IEBC: Shacabka waxaan ku boorrineyna inaysan dhageysan hadallada siyaasiyiinta ee ah in natiijada doorashada guud ee sanadkan la boobi doono

0
464

Madaxa fulinta ee guddiga IEBC Xuseen Marjan ayaa dhankiisa sheegay in keliya diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha la adeegsan karo marka ay shaqeyn waayaan saddex kala duwan oo ka mid ah agabka lagu aqoonsado codbixiyaha ee KIEMS.
Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sare ee IEBC ayaa shacabka ku boorriyay inaysan dhageysan hadallada siyaasiyiinta ee ah in natiijada doorashada guud ee sanadkan la boobi doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan ay ku andacoonayaan siyaasiyiin dareensan in loolanka loogaga adkaan doono oo qiil u raadsanaya inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan geeddisocodka codeynta.
Dhawaan ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu sheegay inuu jiro qorsho madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ugu shubanaya natiijada doorashada hasa ahaate madaxa UDA ayaa taasi beeniyay.
Guuliye ayaa dhanka kale siyaasiyiinta uga digay inay qaab siyaasadeysan oo qabyaaladeysan ay ku far fiiqaan shaqaalaha guddiga.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay maareeyihii hore ee IEBC Chris Msando oo la dilay wax yar ka hor doorashadii sanadkii 2017-kii.
Prof. Guuliye ayaa xusay in marka ay arkaan magacyada shaqaalaha IEBC oo la soo dhigaya baraha bulshada iyagoo lala xiriirinaya garab gaar ah oo siyaasadeed, uu walaac ku beermaya.
Tallaabadan ayuu sheegay inay halis gelinayso nolosha howlwadeennada iyo qoysaskooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in magac-dhowga iyo farfiiqa siyaasadeed ee jiro awgeed, shaqaalaha IEBC gaar ahaan saraakiisha qaabilsanaan doono maareynta codeynta ee ismaamullada lagula taliyay inay yareyaan isticmaalka baraha bulshada.