Waxaa lagu soo warramayaa in degmada Baardheere ee gobolka Gedo ee Soomaaliya dadka ku nool ay wajahayaan xaalado adag xilli ay ku soo barakaceen dadyow kala duwan ee ka soo barakacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka barakacaayaasha ay degmada Baardheere ayaa halkaasi ku wajahaya xaalado adag.
Sidoo kale waxaa jiro dadka kale oo ka soo barakacay degmooyin ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya kuwaas oo ay abaartu aad saameysay.
Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoona ka warbixiyay xaaladda nolosha ay ku jiraan iyo waliba sidoo kale waxa ay u baahan yihiin in loo qabto.