Ku xigeenkii xoghayaha guud ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu ,Caleb Kositany ayaa sheegay in uunan gudbin doonin dacwo racfaan oo ka dhan ah go’aan shalay ka soo baxay xisbiga.
Tani ayaa timid ka dib markii kulan uu yeeshay golaha maareeya howlaha Jubilee Kositany looga qaaday jagadii ku xigeenka xoghayaha guud.
Xilka laga qaaday mudanaha ayaa waxaa la wareegay dhigiisa Cherangany Joshua Kutuny.
Wareysi gaar ah oo uu xalay siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu xildhibaanka Soy ku sheegay in uu diiradda saari doono dhisidda xisbiga UDA iyo taageeridda ololaha madaxweynenimo ee ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Xisbiga Jubilee ayuu ku dhaliilay in uunan hadda maamul ahaan awood lahayn.
Wuxuu sheegay in dimuqraadiyadii xisbiga ay hoos u dhacday tan iyo markii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii ay heshiiyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.