Qaybta ugu horreysa ee talaalka COVID-19 oo maanta dalka la keenaya

0
548

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in galinka dambe ee maanta wadanka la soo gaarsiin doono qaybta ugu horreysa ee talaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in talaalka la keenaya Kenya uu yahay geeddisocod muddo qaadanaya.
Wasiirka ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee tallaal bixinta la siin doono saraakiisha caafimaadka , macallimiinta, ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaadka dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdu ay dejisay qorsho iyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan qaybinta talaalka ka dhanka ah COVID-19 .
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda aynan jirin shirkad khaas ah ama shakhsi talaalka COVID-19 keenaya dalka maadaama shirkadaha daawooyinkan soo saaro ay fursadda koowaad siinayaan dowladaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tirada kiisaska ee kordhay ay muujinayso in bulshada dhexdeeda uu cudurka ku faafaya.