Mike Sonko oo maanta maxkamad la soo taagaya

0
422

Ciidamada booliska ee qeybta la dagaalanka argagixisada ayaa lagu amray inay maanta maxkamada horkeenaan barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko si ay u dhageysato kiiskiisa.
Maxkamaddu waxay amarka bixisay ka dib markii Mr Sonko uu ka baaqsaday inuu horyimaado maxkamadda.
9-kii bishii hore ee Febraayo, Sonko ayaa loola cararay Isbitaalka Nairobi isagoo lagu wado baabuur ah nooca gurmadka degdegga ka dib markii uu ku soo booday xanuun dhanka caloosha ah.
Mike Sonko ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado dhowr ah oo ay ka mid tahay inuu heysto koox u gaar ah oo lagu tilmaamay burcad.
Hasa ahaate Mike sonko ayaa beeniyay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay.