Ruushka oo 17 qof ku dilay Ukraine

0
440

Duqeymo gantaallo loo adeegsaday oo ay ciidamada Ruushka maanta ay ka gaysteen magaala xeebeedda Odesa ee dalka Ukraine ayaa waxaa ku dhintay 17 qof.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ukraine ayaa laga soo xigtay in 30 qof oo kale la dhaawacay.
Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday dhise ka kooban sagaal dabaq.
Weerarrada ayaa abaare 1-dii habeenimo ka dhacay tuulo ku taalla degmada Bilhorod-Dnistrovskyi ee magaalada Odesa sida ay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay barta Twitter-ka.