Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. Bruno Shioso ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan dhacdo shalay laga soo tabiyay ismaamulka Kisii.
Xilli ay halkaasi isku soo bax siyaasadeed ku qabanaysay ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Martha Karua ayaa la adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.
Bayaanka waxaa ku cad in la ogaaday in falkaasi uu ka dambeeyay sarkaal boolis ah oo hadda gacanta lagu dhigay.
Bruno Shioso ayaa sheegay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo dadweynaha lala wadaagi doono natiijada ka soo baxda.