Booliska dalka oo aan fasax qaadan doonin xilliga doorashada

0
407

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka aynan fasaxooda sanadlaha ah qaadan karin ilaa iyo inta laga gudbaya doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Amarkan ayaa maanta dhaqan galaya waxaana looga gol-leeyahay in saraakiisha loo diyaariyo maareynta amniga doorashooyinka.
Taliye ku xigeenka booliska dalka Mr Edward Mbugua ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sidoo kale askarta shaqooyinkooda fasax uga maqan ku wargeliyay inay goobahooda shaqo iska soo xaadiriyaan 4-ta bishan Toddobaad.
Hasa ahaate waxaa uu Mbugua caddeeyay in askariga la fasixi karo keliya haddii uu xanuunsan yahay oo uu sidaasi dhakhtar ku taliyo.