DHAGEYSO:Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya

0
421

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa looga dabbaal degay sanadguuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 62 sanadood.
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna maamuusayo muhiimadda maalintan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xoroobiddii gumaystihii Talyaaniga ee gobollada Koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee BJFS, Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo diblomaasiyiin lagu casuumay munaasabadda.
Kooxaha fannaaniinta ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay maalintan oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo taarikhda halgamayaashii dalkaasi soo maray.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo weyneeyo muhiimadda ay Ummadda u leedahay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay qiimaha ay maalintan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in loo baahan yahay inay si walaaltinimo ah u midoobaan gobollada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dalka ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha.