Waxaa la xaqiijiyay inay dhaawacmeen 25 ruux ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo mooto.
Dhaawaca ayaa hadda lagu daweynaya isbitaalka wayn ee ismaamulka Siaya .
Shilka ayaa galinkii dambe ee maanta laga soo tabiyay meel u dhow buundada Mudurme ee waddada xiriirisa Siaya iyo Rangala
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Komolo oo dhanka waqooyi uga beegan deegaanka Alego.
Madaxa isbitaalka Siaya Dr. Liech Adoyo ayaa sheegay in dhaawaca oo uu ka mid yahay canug yar xaaladooda caafimaad lala tacaalaya oo aynan hadda liidan.