Dowladda dalka Algeria ayaa si degdeg ah u hakisay xiriir saaxiibtinimo oo muddo 20 sano ah ay la ahayd Spain.
Tani ayaa timid ka dib markii Spain ay ka laabatay mowqif dhexdhexadnimo ah oo ay ka qaadatay muranka saxaraha galbeed.
Tallaabada ay qaaday Algeria ayaa lagu tilmaamay dharbaaxo xooggan oo soo gaartay Spain oo ku tiirsan shidaalka dabiiciga ee Algeria .
Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Algeria ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaasi ay si ku meel gaar ah meesha uga saartay heshiiskii saaxibtinimo , iskaashi iyo daris wanaagga kala dhexeyay Spain oo la saxiixay sanadkii 2002-dii.
Dowladda Spain ayaa dhankeeda mid laga qoomamoodo ku tilmaantay go’aanka ka soo baxay Algeria waxayna xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta saaxiibtinnimo.