Dowladda oo bandow saartay 3 ismaamul oo ka tirsan Rift Valley

0
582

Dowladda dhexe ayaa shaacisay amar bandow ah oo ka dhaqangalay ismaamullada kala ah Elgeyo Marakwet, Baringo, iyo West Pokot ee dhaca waqooyiga gobolka Rift Valley.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen falal burcadnimo oo dhowr qof lagu dilay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in bandowga uu shaqeynaya inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo.
Dowladda dhexe ayaa sare u qaaday howlgallada amni ee ay ka fulinayso aagga Kerio Valley oo u dhexeya buuraha Tugen Hills iyo Elgeyo .
Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in muddo bil ah oo uu saddexda ismaamul ka jiri doono bandowga la saaray aan la qaban karin isku soo bax dadweyne.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo loo fulinaya si aan beer-jilleec lahayn maadaama ay dowladdu dantu ku qasabtay inay awoodeeda ciidan u adeegsato wax ka qabashada xasilooni darrada in muddo ah ka taagan Elgeyo Marakwet, Baringo iyo West Pokot.