DHAGEYSO:William Ruto oo gaashaanka u daruuray darasaadka Infotrak

0
433

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak.
Warbixinta oo shalay la soo bandhigay ayay shirkaddu ku sheegtay in Ruto uu Raila uga dambeeyo dhanka taageerada siyaasadeed ee ku aaddan qabashada hoggaanka wadanka.
Hasa ahaate Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in taasi ay tahay iskuday xeeladeysan oo lagu marin habaabinaya codbixiyeyaasha.
Waxaa uu intaasi ku daray sida uu hadalka u dhigay ka dib markii ay siyaasiyiinta la tartamaya uga adkaadeen dhanka afkaarta iyo qorsheyaasha inay cuskadeen darasaad aan xaqiiqada ku saleysnayn.

Infotrak ayaa warbixinteeda uu dafiray Ruto ku sheegtay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay haystaan boqolkiiba 42 ee taageerada shacabka marka loo barbardhigo dhigooda Kenya Kwanza William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ay taageeradoodu tahay boqolkiiba 38.
Warbixinta shirkaddan ayaa lagu saadaaliyay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu Raila heli doono 9.3 millyan oo codad ah halka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu soo hooynaya codad gaaraya 8.4 milyan.
Madaxa fulinta ee Infotrak Angela Ambitho ayaa sheegtay in haddii ay hadda dalka ka dhacdo doorasho guud in Mr. Odinga uu aqlabiyadda codadka dadweynaha ka helaya 20 ismaamul halka Ruto uu ku hoggaamin karo codeynta 16 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Waxay intaasi ku dartay in cilmi baaristan la sameeyay intii u dhexeysay 27-kii ilaa 29-kii bishii hore ee May.
Shirkadda ayaa wareysatay in ka badan 9,000 oo qof oo ku kala sugan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Darasaadka ayaa lagu eegay 290-ka deegaan baarlamaneed ee dalka.
Cilmi baarista ayaa muujinaysa in muddo bil gudaheeda ah ay boqolkiiba 42 hoos u dhacday taageerada siyaasadeed ee William Ruto halka midda Raila uunan isbeddel ku imaan .
Ms Ambitho ayaa hoos u dhaca taageerada Ruto u aaneysay qaabka uu u xushay ku xigeenkiisa.
Go’aankii uu 16-kii May Raila ku xigeenkiisa ugu magacaabay Martha Karua ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay haweenka dalka oo ku tilmaamay mid fursad cusub siinaya gaar ahaan ka mid ahaanshaha hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Dhanka jinsiyadda marka la eego Mr. Odinga ayay u badan tahay inuu helo boqolkiiba 38 ee codadka haweenka halka tirada dumarka ee codkooda siin karo Ruto ay shirkadda Infotrak ku sheegtay boqolkiiba 37.