Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la caleema saaraya

0
389

Waxaa maanta teendhada Afiisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
15-kii bishii hore ee May ayay ahayd markii Xasan Sheekh loo doortay inuu mar labaad Somaaliya hoggaamiyo.
Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran waddooyinka caasimadda dalka Soomaaliya iyadoo uu dhaqangalay bandow shaqeynaya ilaa 5-ta galabnimo ee maanta.
Munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galaya madax heer caalami ah oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaasha dalalka Kenya, Jabuuti, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wufuud ka kala socota dalalka, Masar, Cumaan, Koonfurta Suudaan, wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya iyo madaxda 5-ta dowlad goboleed ee Soomaaliya.
Munaasabadda caleema-saarka ayaa waxaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan madaxda ka qayb galaysa.