Biden oo laalay xayiraadihii Trump ee kaarka Green card-ka loo yaqaano

0
828

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa wareegto uu soo saaray ku laalay xayiraadii ku aadaneyd kaarka green card-ka ee uu soo rogay madaxweynihii isaga ka horeeyay Donal Trump.
Amarka madaxweynihii hore Donald Trump, oo cadadkiisu ahaa 100014, ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la ilaaliyo shaqooyinka Mareykanka iyada oo ay jirto heer sare oo shaqa la’aaneed oo ka dhalatay cudurka coronavirus.
Bayaan saaka ka soo baxay aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu amar madaxweyne uga laabtay xayiraadan.
Waxaa uu Joe Biden sheegay in xayiraada Trump ay kala fogeeysay qoysaska islamarkaana aysan ka shaqeyneyn danaha Mareykanka.
Qareenada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqayay maamulka Biden inuu ka laabto talaabadii Trump .
Tan iyo 20-kii bishii January markii Biden uu la wareegay xafiiska waxaa uu ka laabtay xayiraada badan oo uu Trump ku soo rogay soo galootiga oo ay ka mid tahay xayiraadii dhanka safarada ee uu saaray muwaadiniinta wadamo badan oo muslimiin ah oo ay ku jirtay Somalia.