India iyo Pakistan oo xabad joojin ku heshiiyay

0
735

Milatariga dowladaha Pakistan iyo India ayaa ku heshiiyay xabad joojin dhab ah oo ka dhaqan gasha gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.
Labada dhinac ayaa gaaray heshiisyo kale sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay milatariga Pakistan.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in agaasimayaasha guud ee labadaasi dal u qaabilsan howlgalada ay arroornimadii hore ee saaka ku wada hadleen Khadka telefoonka.
Qoraalka Pakistan waxaa kale oo ku xusan in wada hadallada lagu qabtay jawi deggan iyo waji furan oo u dhaxeeyay labada dal ee dariska ah.
Labada wadan ayaa laga doonaya in ay ilaaliyaan heshiisyada iyo xabad joojinta lagu dhawaaqay.
Xabad joojintan ayaa ka dhaqan galeysaa xadka kala qeybiya labadaasi maamul ee Pakistan iyo India iyada oo mararka qaar ay labada dal jabiyaan heshiisyada.
Sanadkii hore, madaafic iyo hubka yar yar oo ay ciidamada India ku soo rideen qeybta ay ka taliso Pakistan ayaa waxay ku dileen ugu yaraan 28 qof oo rayid ah halka ay ku dhawacmeen in ka badan 257 qof, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay tan iyo bishii koowaad ee sanadkan in ciidamada India ay 175 jeer ku xad gudbeen xabad joojinta.
Sanadkii 2020-kii ,dowladda Pakistan ayaa xabad joojintii la saxiixday ku xadgudubtay ugu yaraan 5,133 mar tasoo sababtay in la dilo 22 oo rayid ah iyo sidoo kale 24 ka mid ah ciidamada India, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee india.