In ka badan 16 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Nigeria

0
559

Weerar ay kooxda Boko Haram ka geysatay waqooyiga dalka Nigeria ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan carruur kubad ku ciyaarayay meel garoon ah .
Weerarrada ay kooxda soo qaado ayaa intooda badan la fashiliyaa kadib marka ay ka falceliyaan ciidamada ammaanka ee Nigeria balse waxaa ay bambaanooyin ku garaaceen meelo la deggan yahay.
Mid ka mid ah xafaadaha tuulada Gwange, ayaa lagu dilay sagaal wiil kadib marki ay waxyaabaha qarxa ay gareen goob ay kubaad ku ciyaarayeen.
Afar ka mid ah ayaa isla goobta ku naf wayaay halka shanta kalana ay u dhinteen dhawac halis ah oo soo garaay.
Qeybo badan oo ka mid ah dalka Nigeria, bulshooyinka ayaa miciin biday inay ku tiirsanaadaan maleeshiyaad, ka barbar shaqeeya ciidanka difaaca.
Awana Cali oo ahaa goobjooge ka aag-dhawa goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegay in dad badan la dilay.
Gudoomiyaha gobolka Borno ee dalka Nigeria ,Babagana Umara Zulum, oo dadka dhaawacmay ku booqday isbitaalka magaalada Maiduguri ayaa sheegay in xalka kaliya ee surtagal ah yahay in la adeegsado tiknoolojiyadda si loo ogaado cid kasto oo soo galeyso magaalada ujeedkeduna yahay dhibateeynta shacabka.