Guddoomiyaha gobolka Luhansk ee dalka Ukraine Serhey Haidai ayaa sheegay in 13 qof ay ku dhinteen weerarro dowladda Ruushka ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay halkaasi ka fulisay.
12 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay magaalada Severodonetsk halka mid kale looga takhalusay degmada Girske.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Ruushku ay ku sii durgayaan dhanka bartamaha gobolka Luhansk.
Guddoomiye Haidai waxaa uu intaasi ku daray in gudaha gobolkaasi lagu burburiyay in ka badan 60 guri gaar ahaan magaalooyinka Zolote, Vrubivka iyo Rubizhne.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inaynan suurtagal ahayn in la soo kobo khasaaraha uu Ruushku ka gaystay magaalada Toshkivka maadaama ay weli colaaddu halkaasi ka socoto.