Isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ballanqaaday in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu wax ka beddeli doono nolosha ciidamada booliska.
Xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua oo dhawaan loo magacaabay ku xigeenka Ruto ayaa arrintan shaaca uga qaaday ismaamulka Nakuru.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay inay kordhin doonaan musharaadka booliska si lacagaha ay dowladdu siiso ay u noqdaan kuwo u dhigmo shaqada adag ee ay qaranka u hayaan.
Waxaa uu xusay in tani ay ka hor tag u noqonaysa falalka musuqmaasuqa ee mararka qaar lala xiriiriyo saraakiisha booliska.
Siyaasigan ayaa carrabka ku adkeeyay inay billaabeen diiwaangelinta caqabadaha dhanka shaqada ee haysta booliska oo qaar ka mid ah u horseeda inay is dilaan si haddii Kenya Kwanza ay hoggaanka qabato dhibaatooyinkan loo xalliyo.