FBI oo laga dalbaday inay baarto dilkii Shireen Abu Akleh

0
374

Dhowr ka mid ah xeer dejiyaasha Maraykanka ayaa saxiixay warqad ay ku dalbanayaan in laanta dambi baarista dalkaasi ee FBI-da ay dabagal ku sameysay dilkii Shireen Abu Akleh.
Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeyay inay suxufiyaddan oo ka mid ahayd wariyeyaasha Aljazeera ay ku dileen magaalada Jenin ee daanta galbeed ee dalka Falastiin.
Tallaabada ay siyaasiyiinta ku saxiixeen warqadda ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Andre Carson oo ka tirsan aqalka Kongareeska ee xukuumadda Washington.
Waxay tani ku soo aadaysaa saacado un ka dib markii militariga Israa’iil uu sheegay inuusan baaritaan ku sameyn doonin dilkii wariyaha.
Shireen Abul Akleh oo lagu tilmaami jiray codka falastiiniyiinta maadaama ay inta badan soo bandhigi jirtay dhibaatooyinkooda ayaa haysatay dhalashada Maraykanka.
Waxaa dilkeedi ka dhashay cambaareyn caalami ah iyadoo lagu baaqay in la sameeyo baaritaan madax bannaan oo ay hor kacaysa dowladda Maraykanka.