Madaxa cusub ee maamulka KEMSA oo la magacaabay

0
326

Waxaa madaxa fulinta ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA loo magacaabay Terry Ramadhani Kiunge.
Waxay Kiunge xilkan si degdeg ah ugala wareegi doontaa John Kibuchi oo jagadan si ku meel gaar ah u sii hayay.
Haweeneydan ayaa si rasmi ah u beddeli doonto Dr. Jonah Manjari oo muddo xileedkiisa uu ku egyahay bisha soo socoto.
Maamulka KEMSA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in
Terry Ramadhani Kiunge ay ku soo baxday tartan shaqaaleysiin ah oo socday laga soo billaabo bishii Saddexaad ee sanadkan.
Ka hor inta aan Terry loo magacaabin madaxa fulinta ee maamulka KEMSA waxay ahayd agaasimaha isbeddelka caalamiga iyo shaqaaleysiinta ee jaamacadda Aga Khan.