Murannada isreebreebka siyaasadeed oo hoos u dhacay

0
276

Haweeneyda hoggaamisa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka Anne Nderitu ayaa shaaca ka qaadday in sanadkan uu yaraaday isqabqabsiga ka dhasho geeddisocodka xisbiyada wadanka ay ku kala saaraan musharraxiinta.
Nderitu ayaa hoosta ka xarriiqay inay jireen caqabado hareeyay isreebreebkii sanadkan hasa ahaate isbeddel wayn la sameeyay marka loo barbardhigo doorashadii hore.
Haweeneydan ayaa intaasi ku dartay in guddiga qaabilsan xallinta murannada ka dhex jiro xisbiyada siyaasadeed ee (PPDT) loo soo gudbiyay isqabqabsi dhan 306 .
IEBC ayaa sidoo kale lagu wareejiyay 300 oo dacwadahan ah tani oo tirada guud ee kiisaska ka dhigaysa in ka badan 600.
Waxay hoosta ka xarriiqday in markii ugu damebeysay ee ay eegtay guddiga PPDT ay hor yaalleen 115 kiis taasoo ay micnaheedu tahay in xisbiyada ay qaar ka mid ah dacwadahan si iskood ah u xalliyeen.