Dowladda oo shacabka xusuusisay inay weli jirto halista cudurka COVID-19

0
343

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa dadweynaha ku boorriyay inaynan iska dhaadhicin in halista cudurka COVID-19 aysan hadda ka jirin gudaha wadanka maadaama ay xaaladaha maalinlaha ah yaradeen taasoo keentay in la fududeeyo xayiraadihii jiray.
Baaqan ayuu jeediyay xilli shalay Kenya laga diiwaangeliyay kiisaska cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 25 ka dib markii la baaray dheecaan dhan 2,315 .
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka ayaa hadda ah 324,071.
Dadka ugu dambeeyay ee uu caabuqa corona ku haleelay gudaha dalka , 19 ka mid ah waa kenyaan halka 6 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 12 rag iyo 13 dumar ah oo ay da’doodu u dhexeyso 11 ilaa 69 sano.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa xanuunka ka caafimaaday 22 bukaan oo dheeraad ah tani oo tirada guud ee bogsashada ka dhigaysa 318,192 .
Lama soo tabin dhimasho dheeraad ah waxayna wadarta guud ee dhimashada ilaa iyo hadda uu sababay cudurka COVID-19 ee Kenya ay tahay 5,649.
Wasiir Kagwe ayaa laga soo xigtay in 2 bukaan oo qabo xanuunka ay hadda ku jiraan isbitaalka halka 228 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka waxay warbixinteedi ugu dambeysay ku sheegtay inay adeegsatay in ka badan 18 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudur sidaha corona.