Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa abaal marinno guddoonsiiyay 14 ka mid ah xildhibaannada dalka iyo 3 ka mid ah howlwadeennada sare ee golaha xeer dejinta.
Muturi ayaa xusay in abaal marintan ay tahay mid shakhsiyaadkan lagu aqoonsaday ugu dambeynna lagu sharfay waxqabadkooda.
Shakhsiyaadkan ayaa ka mid ahaa 13598 oo 11-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore magacyadooda lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Xildhibaannada abaal marinta la siiyay waxaa ka mid ah Peter Mwathi (Limuru), Silas Moiben (Moiben), Ezekieli Machogu (Nyaribari Masaba), Muturi Kigano (Kangema), Swarup Mishra (Kessess), Wafula Wamunyinyi (Kanduyi), Mishi Mboko(Likoni), Ben Momanyi (Borabu) ,Wambugu Ngunjiri (Nyeri Town).
Waxaa liiskan ku jiro senatarka Kisumu Fred Outa, senatarKimani Wamatangi , senatar Beatrice Kwamboka iyo xubno kale.