Garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa maanta kenyaanka la wadaagay faahfaahinadooda ku aaddan waxyaabaha uga soo baxay dacwado racfaan ah oo la hor geeyay.
Xaakinnada ayaa kala ah Martha Koome, ku xigeenkeeda Philomena Mwilu, Maxamad Ibraahim,Smokin Wanjala, Njoki Ndung’u, Isaac Lenaola iyo William Ouko.
Kiisaskan oo looga soo horjeedo go’aannadii ay maxkamadaha sare iyo racfaanka dhinac iskaga dhigeen qorshaha sharci beddelka ee BBI ayaa waxaa gudbiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, guddiga doorashooyinka ee IEBC, xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara iyo xoghaynta BBI.
Garsoorayaasha kala ah William Ouko iyo Issac Lenaola ayaa isku raacay in madaxweynaha dalka isagoo xil haya uunan awood dastuuri ah u lahayn inuu billaabo ama qayb ka noqdo geeddisocod lagu beedelaya xeerarka wadanka sidaas awgeedna go’aankii uu qaatay uu ahaa mid khaldan.
Dhanka ka qaybgelinta dadweynaha , William Ouko waxaa uu sheegay in dadka hor kacaya qorshaha BBI ay sidan sameeyeen.
Waxaa go’aankan xaakinnada ku waafaqday madaxa caddaalad ee dalka Martha Koome oo dhanka kale sheegtay in madaxweynaha isagoo wadanka hoggaaminaya aan dacwad lagu soo oogi karin maadaama uu xasaanad leeyahay.
Koome waxay sidoo kale sharci darro ku tilmaantay nidaamkii lagu jaangooyay in dalka lagu soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.
Madaxa caddaalada dalka ayaa xustay in qorshaha sharci beddelka la doonayo inuu noqdo mid ay shacabka hormuud ka yihiin oo in la billaabo geeddisocodkan aan lagu gooni yeelin hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.
Maxkamadda sare iyo midda racfaanka ayaa labaduba horay u go’aamiyay in madaxweynaha uunan awood u lahayn billowga iyo xoojinta sharci beddelka haddii uu sidaasi sameeyana la dacwayn karo.
Martha Koome waxay ku celcelisay inay jirto caddeyn buuxda oo tilmaamaysa in madaxweynaha uu billaabay qorshaha BBI maadaama kheyraad dowladeed loo adeegsaday taageeridda barnaamijkan.
Koome ayaa caddeysay in dimuqraadiyadda tooska ah ay adeegsan karaan keliya muwaadiniinta oo aynan ahayn in loo maro wakiiladooda.
Sidoo kale madaxa garsoorka ee Kenya ayaa ayidday in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC uu lahaa kooram ama tiro ku filan markii uu guddoomayay oo uuna tixgelinayay hindise sharciyeedka BBI.
Su’aasha ku saabsan in marka la qabanaya aftida dastuuriga ah, dadweynaha loo bandhigo su’aalo dhowr ah waxay Martha Koome xustay in Kenya aynan hadda gaarin heer arrintaasi looga doodi karo.
Waxaa arrintan Koome ku raacday garsoore Njoki Ndung’u oo xustay inay wanaagsan tahay in codbixiyeyaasha loo bandhigo hal su’aal ah oo ay codkooda ka dhiiban karaan si aan loo jahawareerin.
Mrs. Koome ayaa carrabka ku adkeeysay in dadweynaha aan sida habboon looga qayb gelin ka ra’yi dhiibashada BBI si gaar ah arrimaha deegaannada.
Koome waxay hindise sharciyeedka BBI ku sheegtay sharci darro maadaama aan sida la rabay codbixiyeyaasha looga qayb gelin.
Garsoore Njoki Susanna Ndung’u ayaa dhankeeda sheegtay in madaxweynaha uunan billaabin qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Sidoo kale waxay sheegtay in madaxweynaha iyo hay’adaha dowladda ay u ololeyn karaan nidaam sharci beddel ah taasoo shakhsiyaadkii sameeyay ay ahaayeen Junet Maxamad iyo Dennis Waweru.
Hasa ahaate waxaa tani ka soo horjeestay garsoore William Ouko oo sheegay in BBI ay ku biya shubanayso heshiiskii iyo isgacan gelintii taariikhiga ahayd ee Uhuru iyo Raila.
Garsoore Ndung’u ayaa xustay inay aaminsan tahay in dadweynaha laga qayb geliyay qorshaha BBI markii deegaannada loogu bandhigayay iyo xilliyadii ay ansaxinayeen wakiillada golayaasha hoose ee dalka labaduba.
Garsoore Smokin Wanjala ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu qayb ka ahaa tallaabadii lagu aasaaday qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Go’aanka kama dambeyska ah ee ay maanta ku dhawaaqayaan xaakiinnada ay hoggaaminayso madaxa caddaalada dalka Martha Koome ayay suurtagal tahay inuu saameyn ku yeesho mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
BBI ayaa ka dhalatay isgacan gelintii iyo heshiiskii sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ka dib doorashadii 2017-kii oo si wayn loogu kala qaybsamay taasoo keentay in ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uu isku dhaariyo xilka madaxweynaha shacabka.
Home Wararka Kenya Faahfaahin ku saabsan go’aannada garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee BBI