Wareysiyada ku aaddan xilka karaaniga baarlamaanka oo April la qabanaya

0
507

Guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ayaa soo saaray magacyada shakshiyaadka isugu soo haray in turxaan bixin lagu sameeyo maadaama ay doonayaan inay buuxiyaan xilka karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta.
Wareysiyada turxaan bixinta ah ayaa la qaban doonaa 11-ka bisha Afaraad ee sanadkan.
PSC ayaa bayaan ku sheegtay in afar qof laga soo xushay 48 ruux oo codsiyo dirsaday.
Waxaa guddiga turxaan bixinta ugu horreyn hor tagi doono Samuel Josephat Njoroge oo su’aalo la weydiinaya 10-ka ilaa 11-ka barqanimo ee maalinkaasi ka hor inta aan loo yeerin Maxamad Cali oo la wareysanaya 11:30 barqanimo ilaa 12:30 duhurnimo.
Guddiga PSC ayaa sidoo kale 11-ka April turxaan bixin doono Eunice Wanjiku iyo Sarah M. Kioko.
Qofka ku soo baxo turxaan bixinta ayaa beddeli doono karaaniga baarlamaanka Michael Sialai oo howlgab noqday ka dib markii uu gaaray 60 sano.
Karaaniga golaha xeer dejinta ayaa jagadan haynaya muddo 5 sano ah haddii aan loo kordhin.