Dowladda oo sheegtay in Kenya aynan rabshado ka dhici doonin

0
653

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in bisha Siddeedaad ee sanadkan doorashada guud ay si nabad ah u qabsoomi doonto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay sameynayso wax kasta oo ay awooddo si looga hor tago falalka wax u dhimaya xasiloonida.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha kula taliyay inay aad uga fiirsadaan hadallada naceybka ku saleysan ee siyaasiyiinta xilal doonka ah si aan loo kala qaybin.