Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka.
Waxaa uu shacabka halkaasi ku nool u ballanqaaday in haddii bisha Siddeedaad ee sanadkan uu qabto hoggaanka wadanka , maamulkiisa uu dib u soo noleyn doono warshadaha sokorta ee gobolkaasi.
Raila ayaa xusay in tallaabooyinka uu qaadi doono ay horseedayaan in dhallinyaro badan shaqo abuur loo sameeyo.