DHAGEYSO:Muturi: Ha la fududeeyo shaqaaleysiinta dhallinyarada

0
641

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga DP Justin Muturi ayaa dowladda ugu baaqay inay meesha ka saarto caqabadaha ku hor gudban shaqaaleysiinta dhallinyarada.
Muturi ayaa in ardayda dhameeyay waxbarashada laga dalbado khibrad shaqo ku tilmaamay arrin laga soo gaaray guumeystihii wadanka haysan jiray ka hor xornimada.
Sidoo kale arrintan ayuu ku sheegay mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee dhallinyarada.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hoosta ka xarriiqay inaysan macquul ahayn in arday dhawaan jaamacad ama machad ka qalin jabiyay lagu xiro khibrad shaqo oo uunan fursad u helin ka hor inta aan la howlgelin.
Justin Muturi ayaa qodobkan soo hadal qaaday xilli uu ismaamulka Nyeri kula hadlayay in ka badan 2,000 oo ah siyaasiyiinta deegaannada hoose ee xiriirka la leh xisbiga DP.
Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay wanaajinta tacliinta dugsiyada dowladda oo uu sheegay in arday badan oo sabool ah ay wax ka bartaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhanka kale ku taliyay in la dhimo canshuurta laga qaado badeecooyinka kala duwan si kenyaanka looga dul qaado culeysyada nololeed.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta ilaa iyo hadda aan loo soo xirin shakhsiyaadka lunsada kheyraadka dowladda ka dib markii madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu sheegay in maalin kasta la dhaco 2 bilyan oo shilin.