Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay waxgaradka gobolka bartamaha uu u sheegay in ku xigeenkiisa William Ruto uu isku dayay qorsho uu xafiiska kaga saari rabay.
Waxaa uu Ruto ku eedeyay inuu aad ugu hamuun qabo awood hoggaamineed oo sida uu hadalka u dhigay dulqaad la’aan laga dheehan karo.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweyne ku xigeenka uu damcay inuu kala qaybsanaan ka dhex abuuro xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee si uu isaga uga awood badiyo.
Waxaa uu xusay in sababtii uu sanadkii 2018-kii ula heshiiyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay ahayd in dalku uunan burburin maadaama doorashadii guud ee hore si wayn loogu kala qaybsamay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu ka hor tagayay in William Ruto uu carqaladeeyo waxqabadka maamulka Jubilee.
Uhuru Kenyatta oo difaacayay sababta uu dhawaan u taageeray musharraxnimada madaxweynenimo ee Raila Odinga ayaa dhanka kale ku xigeenkiisa ku dhaliilay shakhsi xilli hore olole u galay doorashada guud ee sanadkan 2022-ka halka laga doonayay inuu si buuxda u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xisbiyada ka jiro gobolka bartamaha ee xiriirka la leh isbeheysiga Azimio ugu baaqay inay si xikmadeysan u soo istaajiyaan musharraxiintooda si aynan codadka u kala qaybin oo aynan guusha u raacin UDA.
Sidoo kale waxgaradka bartamaha dalka ayuu ka codsaday inay dadka ku xiran ka dhaadhiciyaan u codeynta Raila Odinga balse ay sidoo kale xoogga saaraan inay golayaasha xeer dejinta ku yeeshaan wakiillo badan si danaha gobolka loo sii ilaaliyo ka dib doorashada guud.