Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada kursiga tirsigiisu yahay #058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.
Waxaa uu guddiga shalay diiwaangeliyay ilaa 7 musharrax oo kursiga #058 ku tartami doona, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Beyle, balse uu sheegay in uu ka tanaasulay, waxaana musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.
1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).
2: Eng, Yoonis Maxamad Nuur.
3: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.
5: Maxamuud Afdhuub Makaraan
6: Cabdullaahi Axmad Xuseen
7: Ubax Cali Sheegow
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa weli u harsan doorashada kuraas kale oo uu ku jiro kursiga Hop#135 oo ay horay ugu fadhiday Alle ha u Naxariistee Aamino Maxamad Cabdi oo dhawaan qarax lagu dilay Magaalada Beledweyne & kuraas lagu dooranayo Magaalada Jowhar.