DHAGEYSO:Siyaasiyiinta xisbiga Wiper oo dalbaday in Raila uu ku xigeenkiisa u soo xusho Kalonzo

0
345

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Wiper oo uu hor kacaya senatarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ka dalbaday inuu ku xigeen ka dhigto Kalonzo Musyoka.
Hoggaamiyaashan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Wote ee Makueni ayaa doonaya in madaxa ODM uu arrintan go’aan ka gaaro ka hor xilliga codeynta.
Senatarka Makueni ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga Wiper ayaa hoosta ka xarriiqay in Kalonzo Musyoka uu u tanaasulay Raila isagoo qaranka u daneynaya sidaas awgeedna ay caddaalad tahay in Mr. Odinga uu u soo xusho ku xigeenkiisa.