Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay sinnaanta jinsiyadeed ee Kenya ka jirto

0
569

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay warbixin la soo saaray taasoo faahfaahinaysa horumarka ay Kenya ilaa iyo hadda ay ka gaartay xaqiijinta sinnaanta jinsiyadeed.
Waxaa warbixintan diyaariyay xafiiska qaramada midoobay ee Kenya oo kaashanaya dowladda dhexe.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in sida ay warbixintu tilmaamaysa in horumarka ay Kenya ka gaartay dhanka sinnaanta jinsiyadeed ay tahay arrin mudan in loo riyaaqo.
Tallaabooyinka la qaaday ayuu hoosta ka xarriiqay mid uu fududeeyay dastuurka dalka u degsan ee la soo saaray sanadkii 2010-kii oo awood iyo xuquuq siyaasadeed siinaya dumarka.